Soo dhawayntii bishaaro baaqday

avatar

MAHAD SANID MAGALADAYDIIYEY:

Soo dhaweynta, maamusida, karaamaynta iyo weynaynta ay umada burco ku nooli iisameeyeen maaha mid waad mahad santihiin oo qudha aan kaga bixi karo se waa u dhalasho oo umada gobolkaygii ku nooli waa umad karti hiil iyo gobanimo rabi ku galaday.

Umada burco ku nooli way ii hiilisay way i sharaftay wayna i boqortay maalmii aan xidhnaa iyo maalmii aan xoriyadayda heleyba way ku suntan yihiin oo maalin garabkayga may banayn.

Magac bilaash kuma baxo umad-na af kama boqrantee burco waa magaalo gobeed iyo guri geesi.
Alle ayaan ugu mahad naqayaa mar walba in aan ku dhashay una dhashay xaruntaa haldoorka somali ku faanto badankoodu ka dhasheen.

Inaan idhaahdo mahad sanidiin kaliya umadayda burco ku nooleey walaahi ma aamin sani inay inyar hiilkaad ii hiiliseen uga qalanto ama ay ka gudayso abaalka aad igashateen se qalbigayga iyo quluubtayda waxa baaqi ku ahaan doona jacaylkiina oo aanan daqiiqad ilaaweyn.

Waxgarad, dhalinyaro iyo cid walba oo soo dhaweyntaydii qayb ka ahayd markaan xidhaadha hiil ii ahayd waxaan leeyahay rabi haydin dhawro.

(Burco waxay ku taal xididada
Tin iyo xidhib tabinaya dhiigee)
1693509713593.jpg

1693509710570.jpg

1693509708530.jpg

1693509706488.jpg

Posted using ThiagoRe.com



0
0
0.000
2 comments